Baaritaano adag oo maanta ka socda Muqdisho

Ciidamada dowladda ayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxa ay ka wadaan hawlgal baaritaan gaadiidka ah, iyadoo la dareemaayo feejignaan dhanka ammaanka ah.

Wadada dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa waxaa baaris xooga lagu haayaa gaadiidka kala duwan ee halkaasi maraya, sidoo kale ciidamada ayaa baaraya gaadiidka ay saaran yihiin ciidanka dowladda oo ay waydiinayaan aqoonsi.

Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkaayay gaari ay saaran yihiin ciidanka Booliska oo la hubinaayay, waxaana hubinaayay ciidamo ka tirsan Nabad Suggida.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay jirto gaadiid ku jira Magaalada Muqdisho oo Shabaab ay doonayaan inay weeraro ku gaystaan.

Ciidamada dowladda oo muddooyinkaan dambe si wayn u adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, taasi waxa ay keentay inay yaraadaan falalkii lidiga ku ahaa dhanka ammaanka ee Muqdisho ka dhici jiray.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa lagu daadiyay ciidamo Boolis iyo Nabad Suggid isugu jirta oo gaadiidka si wayn u baara, sidoo kalena gaadiidka u diida in hareeraha wadada la dhigto.

Xoogaga Shabaab ayaa isku daya inay Magaalada Muqdisho ka gaystaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka Magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.