Mareykanka oo go’aan ka gaari doona lahaanshaha Qudus

Saraakiisha dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay u badantahay in madaxweyne Trump uu toddobaadka soo socdo ku dhawaaqi doono tallaabada xigta ee ku aadan in Mareykanka uu magaalada Qudus u aqoonsan doono inay tahay caasimadda Isra’iil.

Tallaabadan ayaa hurin karta colaad horleh oo u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Isra’iil, waa haddi uu Mareykanka uu u aqoonsado inay tahay magaalo ay leeyihiin Yuhuuda.

Dowladda Isra’iil ayaa ku andacoota in magaalada Qudus ay tahay magaalo ay leedahay Yuhuuda.
Qaramada midoobay ayaan bariga magaalada Qudus u aqoonsaneyn inay tahay dhul ay leedahay Isra’iil.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololihii doorashada waxaa uu horay u ballan qaaday in safaaradda Mareykanka ee dalka Isra’iil loo rari doono magaalada Qudus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.