Maxaad kala socotaa shirkii labada gole ee xildhibaanada beelaha daarood ku Qabteen hotel Jaziira ee magaalada muqdisho.”Sawiro”

xildhibano

Xildhibaano Isugu jira labada aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta ku kulmay hotel Jasiira Ee Magaalada Muqdisho waxayna shirkooda kaga hadleen xaalada siyaasada dalka iyo sida xayndaab adag loogu noqon lahaa dowladnimada somaliya.

Intaas kadib Furitaanka shirka xildhibaanada Beesha daarood ayaa lagu sameeyay gudi ka Shaqeeya isku xirka iyo wada shaqaynta xildhibaanada beelaha daarooda sidoo kale waxay go.aan mid ah kawada qaateen wax kasta oo qal-qal siyaasadeed galinayo wada jirka iyo dowladnimada soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa fariin adag u diray mucaaradka dowlda soomaaliya kuwaas oo u abaabulan qaab beeleed waxayna kula taliyeen in ay ilaaliyaan wada jirka umada soomaaliyeed kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho.

Hadaba Xildhibaanadan oo Tira ahaan dhamaa 58 Xildhibaan Waxey Shirkoodii Ka Soo.Saareen Qodabo Xasaasi ah Oo ka kooban 6 qodob.

1 in LA dhowro Tastuurka Dalka u Dagsan
2 in Sharuud LA aan lagu Joojiyo mucaaradka Foosha Xun ee Salka Ku haya Qaabka Qabiil iyo dhaqan Jamhadeedka :
3 in LA joojiyo Gacan Dhaafka Dowlda Laguna .Tixgaliyo Howsha loo idmadey;
4 in LA joojiyo Faquuqa Lagu hayo Dowladnimada somaliya
5 inaanan la aqbli karin faragalinta shishaaye taasoo loo adeegsanyo siyaasiyeenta qaar.

Ugu danbayn xildhibaanada labada aqal ee beesha daarood ayaa go,aansaday in ay meel kaga soo wada jeestaan cid kasta oo duulaan ku ah xukunka madaxwayne maxamed abdullaahi farmaajo iyo Ra,isul wazaare kheyre waxayna lama huraan ku Tilmamaan daganaasho siyaasadeed oo wadata wada shaqayn Dowladnimo.
xildhibano

xildhibano

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.