Wax ka ogow heshiiska galmudug & ehlusuna ee ugu socda dalka jabuuti

galmudg

Wasiiro iyo xildhibaano ku sugan magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, qeybna ka ah wada hadalka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa Idaacadda Risaala waxa ay u sheegeen in heshiis hordhac ah laga gaaray wada hadalka labada dhinac.

Sida ay sheegeen masuuliyiintan qodobada la’isku fahmay waxaa ka mid ah:-

1.In Ahlu Sunna ay aqbashay magaca Galmudug.

2. In Ahlu Sunna ay aqbashay ku biiritaanka Galmudug.

3. In Ahlu Sunna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug.

4.In Ahlu Sunna ay yeelato Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug iyo Taliye-yaasha Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Galmudug.

5.In sidoo kale Ahlusuna ay yeelato Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku xigeenkiisa, 11 xildhibaan iyo 5 Wasiir.

Labada dhinac, ayaa waxaa lagu wadaa inay soo bandhigaan qodobada ay ku heshiiyeen oo dhameystiran, si Galmudug ay uga hana qaado Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Haddii labada dhinac ay heshiiskan dardargeliyan, ayaa Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) waxaa la qorshaynaya in uu taggo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Dhuusamareeb waa xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug, inkastoo Galmudug ay hadda si ku meel gaar ahi ugu hawlgasho Magaalada Cadaado ee Gobolkaasi Galgaduud.

Wada hadalkaan ayaa waxaa garwadeen ka ah Urur Goboledka IGAD oo fududeynaya Shirkan, waxaana jiray shir hore oo dhinacyadan ay isugu soo arkeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maamulka Galmudug ayaa dadaal badan waxa ay ugu jiraan sidii Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ay ugu soo biiri lahaayeen, maadaama dhul badan oo Gobolada dhexe Ahlu Sunna ay gacanta ku hayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.