Daawo:Muqtaar Roobow ayaa si diiran Baydhabo Loogu soo dhaweeyey

roobow

Waxaa Goroonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo soo gaaray Sheekh Mukhtaar Roobaw Cali Abuu Mansuur oo Maalmihii Lasoo dhaafey Ku sugnaa Caasimada G/Bakool ee Xudur
Wafdiga oo uu qeyb Ka ahaa Wasiirkii Hore ee Gaashandhiga Dawlada Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed Ayaa waxaa  Goroonka Ku soo Dhaweeyey Qeybaha Kala duwan ee Bulshada Rayidka  Sida Wasiiro, Xildhibaano, Odiyaal dhaqmeedyo, Dhalinyaro, Haween iyo Saraakiil Ciidan.
Sheekh Muktaar ayaa Markkii uu Ka soodegay Diyaaradii uu saarnaa waxaa uu salaan Ladhaxmarey Kumanaanka Dad ee Ka qeybqaadanaayey Soo dhaweyntiisa . kuwaas oo kor ululaayey Caleemo quuyan iyo Sawirka shiikha
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane C/laahi Cali Watiin Gudoomiyaha G/Baay  Cali Wardheer C/raxamaan oo kamid ahaa dadka sida gaarka ah Usoo agaasimay Soo Dhaweynta Sheekh Mukhtaar ayaa kalmado kooban ku soo dhaweeyey Abuu Mansuur.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.