Soomaaliya iyo Lithuania oo unkay Xiriir Diblomaasiyadeed

Dalalka Soomaaliya iyo Lithuania ayaa waxa ay ku heshiiyeen in ay abuuraan cilaaqaad diblomaasiyadeed oo dhex mara labada dal, sida uu bartiisa Facebooka ku soo qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Heshiiska waxaa sal u ah in labada dal uu mid waliba uu kan kale ku qaddariyo madaxbannaanidiisa iyo wadajirkiisa dhul ahaaneed.

Heshiisyadan waxaa labada dal u saxiisay labada Wasiir Arrmio Dibadeed oo kale ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Lithuania Linas Linkevičius.

Heshiiskan ayaa si gaar ah uga dhacay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire, waxaana dalka Lithuania uu xubin ka yahay Qarammada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Wixii hada ka dambeeya labada dal waxaa ka dhexeeya cilaaqaad diblomaasiyadeed, kaas oo u waddada u furaya in ay labada dal iska kaashadaan dhinacyo labadaba dan u ah, oo ay ugu horeeyaan Ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.