Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerar ay Ciidanka Xoogga ku qaadeyn Saldhig ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Wararka naga Soo gaaraya Deegaanka baladul-amiin oo hoostaga degmada Afgooye ayaa sheegaya in Ciidanka Xooga Dalka ay saakay howlgal ay ka fuliyeen deegankaasi,iyagoona tuulooyin badan ay ka saareen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
War kooban uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Xukuumada Soomaaliya Eng.Cabdi raxmaan  Cumar  Cusmaan Yariisow ayaa waxaa uu Sheegay in Ciidamada Xoogga ay howlgalkaasi ay qaadeen,islamarkaana Dagaalamayaal badan oo Shabaab ah ay ka baxeen deegaanka.
Wasiirka Warfaafinta Ma’uusan faah faahin in howlgalka ay sameeyeen Ciidamada Xoogga inay ku dileen Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab,balse waxaa uu qoraalkiisa ku soo koobay weerarkaas oo kaliya.
“Ciidanka Xooga Dalka ayaa saakay howlgal ay ka fuliyeen deeganka Baladul-Amiin oo hoostaga degmada Afgooye ka sifeeyey maliishiyaadkii argagaxisada Al-Shabaab”
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay howlgalo lagula dagaalamayo Al-Shabaab ay ka Sameynayeen qeybo ka mid ah gobalada Dalka,iyadoona ay xusid mudan tahay in Dagaalamayaal Shabaab ah ay maalmihii la soo dhaafay ay ka baxsanayeen duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha Mareykanka.
Waxaana jirtay in Saldhigyo badan oo ay leeyihiin Al-Shabaab la duqeeyay,islamarkaana la dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Dhawaan ayay aheyd markii Saraakiisha Ciidanka Gobalka Hiiraan ay sheegeen in Shabaab badan ay ka soo baxsadeen gobalada shabeelooyinka iyo jubooyinka,kadib markii ay sii kordheen duqeymaha ay geysanayaan Diyaaradaha Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.