Howlgal gaar ah oo laga sameeyay Xaafado ka mid ah degmada Kaaraan

booliis

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Howlgal ka sameeyay Xaafado ka mid ah degmada Karaan ee Gobalka Banaadir waxaana la sheegay in uu ahaa Howlgal qorsheysan sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Booliska Soomaaliya ayaa guryaha qaar u baaryay si gaar ah waxaana la sheegay in ay raadinayeen Shaqsiyaad ay xog ka haayeen waxaan la sheegay in Howlgalka lagu soo qab qabtay Dhalinyaro la tuhunsanaa iyo agab kale oo amniga lidi ku ah.

Saraakiil ka tirsan Degmada Kaaraan ayaa sheegay in ay faah faahin ka bixin doonaan Howlgalkaan iyo wixii natiijo ah oo ka soo baxay lagana yaabo in ay ka hadlaan saacadaha soo socdo sida ay sheegeyn Saraakiishii aan la hadalnay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.