Australia oo lagu xiray wiil Soomaali ah oo looga shakisan yahay in uu qorsheynayay weerar ka dhaca Dalkaasi

Booliiska Austrralia ayaa xiray nin ay ku eedeeyeen in uu qorshaynayay in uu qaado fal argagixiso marka ay magaalada Melbourne ka billowdaan munaasabadaha lagu xusayo sannadka cusub ee foodda inagu soo haya.
Wiilkan 20 jirka ah ayaa lagu soo oogi doonaa dacwado argagixiso kuwaas oo uu ku mutaysan karo xabsi daaa’in, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Booliiska ayaa ku eedeeyay in ninkan uu qorsheeyay in uu dadka ku toogto fagaaraha Federation Square oo ku yaalla bartamaha magaalada isaga oo adeegsanaya qori darandoori u dhaca.
Booliisku waxaa kale oo ay sheegeen in aysan hadda jirin halis ku soo fool leh dadwaynaha.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in ninkan uusan haysanin hub darandoori u dhaca marka ay ku xireen Melbourne Isniintii.
“Waxa aan ku eeday doono waa in uu doonayay in uu adeegsado hub darandoori u dhaca uuna ku laayo intii dad ah ee uu awoodaba, sida uu Talaadadan sheegay Shane Patton oo ah taliye ku xigeenka booliiska Victoria.
Sannadkii hore 500,000 oo ruux ayaa sannadka cusub ku soo dhaweeyay bartamaha magaalada Melbourne.
Patton wuxuu sheegay in wiilka laga shakisan yahay uu ku dhashay Australia waalidkiina ay Soomaali yihiin, booliiskuna ay la socdeen xaaladdiisa tan iyo bishii Janaayo.
Wuxuu tilmaamaha sida weerarrada argagixiso loo qaado ka helay Al-Qaacida isaga oo onlineka ka helay, wuxuuna taageersanahaa kooxda isku magacawda Dawladdda Islaamka, sida ay booliisku sheegeen.
Patton wuxuu sheegay in wiilku uu xiriiro la lahaa argagixiso balse aysan cidna ku wehelinin qorshaynteeda. Mana jirto cid kale oo lala xiray
Dawladda ayaa jartay waraaq fasax ah oo lagu baarayo gurigii uu wiilku daganaa, ganacsiyadii uu ka shaqeeyay iyo guryaha dadkii ay qaraabadaha ahaayeenba.
Xiritaanka ayaa lala xiriiriyay hawlgallo horay loo sameeyay sida ay booliisku sheegeen.
Sannadkii horana booliisku waxay sheegeen in ay fashiliyeen weerar argagixiso oo wayn oo la rabay in la fuliyo ciiddii Masiixiyiinta ee Christmas-ka, waxaana la sheegay in meelaha lagu bartilmaameedsan lahaa ay ka mid ahaayeen fagaaraha Federation Square.
Booliiska Australia ayaa 74 ruux dacwado argagixisanimo ku soo oogay tan iyo sannadkii 2014kii, markaas oo heerka macquulnimada in ay falal argagixisanimo dhacaan sare loo qaaday.

Xigasho BBC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.