Dhageyso:Qadar oo Soomaliya ku maal galinaysa 200 Milyan Dollar iyo Cadowgii Soomaliya OO Niyad Jab Ku dhacay

qadar

Wafddi ka socda Dowladda Qadar ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa heshiis kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya waxaana ay dowladda Qadar ku maal galinaysaa Soomaliya $200 Milyan oo doollarka Mareykanka ah taas oo ay dowladda Soomaaliya u adeegsan doonto mashaarciida dowladda.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta iyo maalgashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u hadlay Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageeradan ay dowladda Qadar u fidinayso shacabka Soomaaliyeed.

Lacagtaan Dowlada Qadar ugu deeqday Dowlada Soomaliya ayaa waxaa loo isticmali doona dhismaha Jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar, Muqdisho iyo Shabeelada Hoose iyo Mashaariic laga fulinayo Gobolada dalka Sidoo kale Dowladda Qatar ayaa mashaaric hormarineed oo aad u weyn ka fulin doonto qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

Heshiiskaan Qadar iyo Soomaliya kala saxiixdeen ayaa waxay Guulwayn u tahay shacabka iyo Dowlada Soomaliya waxayna Niyad Jab ku tahay Sacuudiga, Imaaradka iyo kuwa ah  cadowga Soomaliyeed ee aan jeclayn horumarka Shacabka soomaliya.


qadar

qadar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.