Xukuumada Soomaliya oo dhawaan lagu soo wareejinayo maxaabiista ku xiran Seychelles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Seychelles ku booqday illaa 15 Maxaabiis Soomaali ah oo halkaas ku xiran.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa sheegay mas’uuliyiinta Seychelles in ay diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku soo wareejiyaan Maxaabiista Dowladda Soomaaliya.
“Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl, Inkastoo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona”. Ayuu ku yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda hadal uu ku soo qoray bartiisa Facebooka.
Wasiir Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa Afar maalmood, waxayna ku eedeysan yihiin burcadbadeednimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.