Dhaq-dhaqaaq ciidan oo laga dareemayo degmada ceelbuur ee gobalka galgaduud.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee gobalka galgaduud Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in wadaan abaabulkii ugu dambeeyay oo ay dib ugu qabsanayaan degmadaasi oo ay hada maamulaan Al-Shabaab.
Waxaa uu Sheegay in ay Diyaariyen Ciidamadii Dagaalka ku qaadi lahaa Dagaalmayaasha ka tirsan Al-Shabaab eek u sugan Degmada Ceel buur,isagoona tilmaamay in Wacyogelin ay sameeyeen,islamarkaana ay sugayaan oo kaliya in Amar uu ka soo baxo Dowlada Soomaaliya,si ay u qaadaan Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Sidoo kale Waxaa xusay in mamulka Degmada ceelbuur ee gobalka Galgaduud ay hada ku wajahan yihiin degmadaasi,isagoona Sheegay taliska Gobalka galgaduud ay kala hadleen sidii loogu diyaar garoobi lahaa dagaal ka dhan ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa bishii afaraad ka baxay degmada ceel buur ee gobalka galgaduud,iyadoona haatan Degmadaasi ay maamulayaan Dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab oo dhibaato ku haya Shacabka ku nool Degmadaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.