Shabaab oo sheegtay inay qabteen diyaarad Drone

Al Shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca Drones-ka ah oo ay sheegeen inay ku soo dhacday Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Warbaahinta Shabaab ayaa sheegtay diyaaradan inay ku soo dhacday Buuraha Caalmadow ee Gobolka Bari durbadiiba halkaasi ay ka qaadeen Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Diyaaradan oo Drones-ka ayaa waxaa ku xirnaa Kaamirooyin, waxaana la sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan ciidamo Shabaabka tirsan.
Diyaaradaha Drones-ka ee wax duuba ayaa dul wareega Saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo Shabaab ay horay u qabteen diyaarado sidan oo kale ugu soo dhacay deeganada ay ku sugan yihiin.

Ciidamada Puntland ayaa maalmahan dambe waxa ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadeen Buuraha Caalmadow ee Gobolka Bari, halkaasi oo ay ka raadinayeen xubno Shabaab ka tirsan.

Diyaaradan ku soo dhacday Gobolka Bari, ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee nooceeda Drone ah oo Shabaabka ku sugan Buuraha Galgala ay qabtaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.