Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Kenya

farmajo

Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in uu u dhoofo Dalka Kenya si uu kaga qeyb galo Xafladda caleema saarka Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Kenyatta.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay goor-dhaw ka duulayaan Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxa uuna maalinta biri aqalka Madaxtooyada Kenya kaga qeyb galayaa Caleema saarka Madaxweynaha Dalka Kenya.
Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya kaga sii Gudbi doono Dalka Ivory Coast oo ku yaala Galbeed Qaaradda Africa.
Dalka Ivory Coast ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga qeyb galayo Shir looga hadlaayo xaaladda ay ku sugan yihiin Wadamada Africa oo ay ku jirto Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.