Ahlusunna iyo Galmudug oo Diiday in Shirkooda Jabuuti uu ka qaybgalo Wasiir ay u dirtay dowladda dhexe

Iyadoo lagu wado in dalka Jabuuti uu ka furmo wada hadal u dhaxeeya Maamuladda  Galmudug iyo Ahlusuna ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in muran  uu ka dhashay in Wasiir ka tirsan Xukuumadda uu shirka  ka qeyb galo.
Wararka ayaa sheegaya in Wakiilada Urur Goboleedka IGAD oo diyaarinayay shirka ay ku soo dareen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye oo la sheegay in Ra’iisul Wasaare kheyre  u diray inuu shirka ku matalo dowladda Faderalka, Hase ahaatee Maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna ayaa ka hor-yimid inuu shirka qeyb ka galo Wasiiru dowlaha, waxaana ay sheegeen in aysan raalli ka aheyn in shirka goob joog uu ka ahaado, iyagoo ka tirsanaya eedo kala duwan.
Xubnaha shirka u matalaya  Galmudug ayaa diiday inuu Wasiiru dowladaha Arimaha gudaha ka qeybgalo shirka kadib markii ay ku eedeeyeen  in Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha uu hore iskugu dayay burburinta Maamulka Galmudug sida ay sheegeen  isla markaana uu xafiiskiisa ka soo saaray warqadii lagu taageeray mooshinkii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.
Sidoo kale Maamulka Ahlusuna ayaa iyana iska diiday in sidoo kale Wasiiru dowlaha shirka ka qeyb galo, waxaana ay warar hoose oo aan heleyno sheegayaan in ay  ka door bideen in hadii dowladda ay cid soo dirsaneyso ay soo dirsato Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax saciid Juxa.
Madaxweynaha Maamulka Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali xasan ayaa dhowaan sheegay in iyaga iyo Galmudug aanay dagaalsaneyn, balse ay jiraan dad diidan inay midoobaan, isla markaana in la wada hadlo aanay doonin.
Wada hadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna oo ay garwadeen ka tahay IGAD ayaa wajigiisa koowaad ka dhacay magaalada Nairobi, iyadoo shirka ka furmaya Jabuuti looga hadli doono sida ay ilow wareedyo sheegayaan awood qeybsi dhex mara labada dhinac, si ay u noqdaan maamul mideysan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.