Soomaali iyo Oromo loo xir xiray Isku dhacyadii ku dhaxmaray Xadduuda Labada Gobal.

Wararka naga soo gaarayo Dalka Itoobiya ayaa soo sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Itoobiya ay xabsiga dhigtay in ka badan 100 Boqol oo isugu jira Soomaali iyo Oromo kuwaas oo loo xir xiray dagaalkii Labada dhinac ku dhaxmaray Dalka Itoobiya.

Warbaahinta Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in la xiray 98 qof oo u dhashay Qowmiyadda Oromiya iyo 5 qof oo Soomaali ah waxaana la weydiinayaa su’aalo la xariira isku dhacyadii Labada dhinac ku dhaxmaray Dalka Itoobiya oo ay ku dhintayn Boqolaal dad ah.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dayeysa sidii loo soo afjari lahaa dhibaatadii ka dhacday Dalka Itoobiya oo saameyn balaaran ku yeelatay Ganacsiga iyo isku socodka Dalka Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.