Ciidamada Puntland oo Xeebta Magaalada Garacad ku qabtay Ajaanib looga Shakisan yahay Al-shabaab

ciidamo

Saraakiisha Ciidamada Badda Ee Maamul Gobolleedka Puntland ayaa sheegay in Degaanka Garacad Ee Gobolka Mudug lagu qabtay Saddex Ruux oo kala ah Labo Ajaanib ah iyo Nin Soomaali ah oo la socday Ajaanibta lagu qabtay Magaalo Xeebeedka Garacad ee Maamulka Puntland.

Ciidamada Badda Maamulka Puntland ayaa sheegay in Saddexdaan Qof oo looga shakisan yahay Al-shabaab lagu qabtay Xeebta Degaanka Garacad islamarkaana ay sheegeen in ay yihiin Kaluumeysato  Doontii ay wateen ay ka Ciladowday.

“Saddexdaan Qof Labo waa Ajaanib midna waa Soomaali waxaan uga Shakisan nahay in ay yihiin Al-shabaab ama ay la shaqeeyaan Baaritaan ayaan ku wadnaa oo wixii ka soo baxa Saxaafadda waan la wadaagi doonaa”ayuu u sheegay Warbaahinta Puntland Sargaal ka tirsan Ciidamada Badda Puntland.

Puntland ayaa Shalay Ciidamo badan geysay Magaalada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ay sheegeen in ay heleen Xog muujineysa in Al-shabaab ay doonayaan in ay isku Fidiyaan Magaalo Xeebeedka Garacad oo ay Weeraro ka soo qaadaan.

Hayeeshee Dhowr jeer ayaa Ciidamada Puntland ay Xeebaha Puntland ku qabteen Dad Ajaanib ah oo u badnaa Kaluumeysato lagu Eedeeyay in ay si sharci daro kuga Jilaabanayay Degaanada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.