Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti iyi wafdi uu hoggaaminayo ayaa barkhanimadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaaanka Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta Sabtida ay soo socoto Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Waxa uu Xildhibaanada kula dardaarmay iney soo xaadiraan kulanka Sabtiga oo noqon doono sida Guddoomiye (Jawaari) uu sheegay kulan aan caadi ahayn.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxa uu la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda, waxa uuna booqan doonaa Xarumaha ay ku shaqeeyaan labada Golle ee Baarlamaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.