R/Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta tagayo magaalada baydhabo.

Ra’isal wasaaraha xukuumaddda soomaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarayo magaalada beydhabo ee Xarunta gobalka bay islamrkaana ah xarunta ku meel gaar ka ahi ee maamulka koonfur galbeed soomaaliya uu ku shaqeeyo.
Wafdiga reysal wasaaraha soomaliya xassan cali kheyre ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaanada labadda aqal iyo wasiiradda kasoo jeeda maamulka koon fur galbeed soomaliya.
Safarka uu ku tagayo magaalada beydabo ee xarunta maamulka koon fur galbeed soomaliya xasan cali kheyre reysal wasaaraha soomaliya ayaanana la ogeyn sababaha ka dambeeya hayeeshee waxaa  la ogyahay in maalmo ka hor uu tagay magaalada barawe ee xarunta maamulka koon fur galbeed soomaliya halkaasi uu kusoo dhagax dhigay dhismo lagu sameynayo airportka magaaalda baraawe.
Reysal wasaare kheyre ayaa lagu waday markii uu baraawe tagay inuu halkaasi kaga sii baxo islaamrkaana uu tago magaalada beydhabo ee xarunta gobalka bay wallow isaga oo baraawe ku maqan ay xilkii wasaarada maareynta iyo masiibooyinka ee xukuumadda soomaliya ay iska caishay wasiirkii wasaaradaaasi DRS maryam khaasim taasina ay keentay inuu kusoo laabto reysal wasaare kheyre magaaalda muqdisho.
Warar madax banaan oo uu helay gedotimes ayaa sheegaya in reysal wasaare kheyre sababaha uu u tagayo magaalada beydhabo ay tahay inuu halkaasi uu kula soo hadlo ciidmada xooga dalka soomaliyeed  si,ay  ugu  diyaar garoobaan dagaal lagu qaadayo alshabaab maaadaama dowalda soomaliya ay iclaamisay dagaalkaasi.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in magaalada baydhabo lagu qaban doono Shirka golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya,kaasi oo horey loogu soo qabtay magaalada kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland,inkastoo wararkaasi ay wax badan iska badali karaan.
Magaalada beydhabo ee xarunta maamulka koonfur galbeed soomaliya ayaa laga dareemayaa saakay qaban qaabada lagu soo dhaweynayo reysal wasaaraha xukuuamdda soomaaliya xasan cali kheyre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.