Xisibiga Wadani oo sheegay in lagu shubtay doorashadii ka dhacday Soomaaliland.

Cabdiraxmaan Maxamed C/llaahi “Cirro” Musharraxa madaxweynaha xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashadii madaxtinimada ee 13-ki bishan November ka dhacday Somaliland waxayna eedeyn u soo jeediyeen xisbiga talada muxaafidka ah ee Kulmiye.
Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdirraxman Cirro ayaa sheegay in doorashada ay ku gaddaamantahay madmadoow fara badan badan, taasoo dhalisay buu yiri musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan oo ka dhacday dhamaan meelihi ay ka dhacday doorashada ee Somaliland.
Musharraxa xisbiga Wadani, ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay xireen qaar ka mid ah mas,uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbigiisa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay codeeyeen Caruur iyo dad geeriyooday lana handaday taageeriyaasha Xisbiga wadani

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.