Natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland oo goor-dhaw lagu wado in lagu dhawaaqo.

Waxaa lagu wadaa in gilinka hore ee maanta lagu dhawaaqo Natiijada doorashadii 13-kii bishaan ka dhacday Soomaaliland oo ay ku tartameyn ilaa 3 Murashax oo kala hogaamiyo 3-da Xisbi qaran ee Soomaaliland.
Wariyaasha magaalada Hargeysa ayaa soo sheegayo in Guddiga doorashada ay ku soo wargiliyeen in maanta la shaacin doono Natiijada loogana yeeray Xarunta Guddiga doorashada.
Inkastoo ay sheegeyn in aysan aqbali doonin Natiijada doorashada Xisbiga Wadani ayaa hadane wararka aan helnay waxay sheegeyaan in Xisbiga UCID ay ogolaadeyn in lagu dhawaaqo Natiijadii doorashada.
Soomaaliland ayaa laga cabsi qabaa in ay lugaha gasho rabshada ka dhashay sidii ay doorashada u dhacday oo aad loo dhaliilay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.