Ciidamada Amaanka Puntland oo gacanta ku dhigay dad falal amni daro ka waday magaalada boosaaso.

Yuusuf Maxamed Waceys Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland  oo la hadlay saxaafada ayaa shaaca ka qaaday  in ciidamada Ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen dad ka shaqeynayay Amni daradda Magaalada Boosaaso ee gobalka bari.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 8 nin iyo Afar dumar ah oo lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin dadka Amni darada ka wadda Boosaaso.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in dadkaasi dhawaan ay horkeeni doonaan Sharciga,islamarkaana tilaabo cad ah ay ka qaadi doonaan.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay ka mid tahay meelaha inta badan ay ka dhacaan falalka amni darada,iyadoona Maamulka gobalka bari ee Puntland uu marar badan ka digay in dhibaato loo geysto shacabka ku nool Deegaanada hoostaga Gobalka Bari

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.