Madaxda Hirshabeelle oo ka shiraya khilaaf ka taagan ka Magacaabista Golaha Wasiirada.

Kulan xalay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle ay ku yeesheen Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas ayaa la sheegay in uu ku soo dhamaaday Natiijo la aan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka qeyb galay Shirkaan ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in ujeedada kulanka uu ahaa mid looga tashanayay Magacaabista Golaha Wasiirada balse markii dambe lagula tagay markii la isku fahmi waayay.
Waxyaabaha la isku heysto ayaa ka mid ah in Madaxweynaha uu qorsheeyay in wasiirada intooda badan laga keeno dibadda oo aysan ka dhax muuqan Xildhibaanada halka Xildhibaanadana ay qorsheynayaan in ay ka dhax muuqdaan Wasiirada Cusub.
Waxaa laga yaabaa in mar kale uu dib u dhaco Magacaabista Golaha Wasiirada ee Hirshabeelle hadii aan la xalin Khilaafkaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.