Warbixin ay soo saareyn Booliska wadanka kenya ayaa walaac looga muujiyay in ay Al-shabaab weeraro ka geystaan gobalada ku yaala xeebta iyo Xadduuda Soomaaliya.
Booliska kenya ayaa Sheegay in ay heleen xog ku aadan in Al-shabaab ay wadaan qorshe ay ku soo weerarayaan Mandheera iyo Magaalooyinka kale ee ku yaala xeebaha Kenya ee Dalxiiska loo aado.
Afayeenka Ciidanka Booliska ayaa ku baaqay in Shacabka ay muujiyaan feejignaan dhinaca amniga ah Booliskana ay la shaqeeyaan.
Sidoo kale waxaa loogu baaqay Ciidanka amaanka ee kenya in ay taxadar galaan si gaar ahna loo ilaaliyo magaalooyinka Dalxiiska ee uu ajnabigu ku badan yahay.
Leave a Reply