Wasiirka Amniga oo tagay Degmada Kaaraan oo lagu dilay Qof Shacab ah

islow

Iyadoo Saakay Askari ka tirsan Ciidamada Ammaanka Degmada Kaaraan la sheegay inuu Qof Shacab ah ku dilay Meel u dhow Xaruunta Degmada Kaaraan ayaa waxaa Dilkaas ka dhashay Muran badan,kadib markii Ehelka Qofka la dilay ay diideen in Meydka Goobta laga qaado.

Intaas ka dib ayaa waxaa Degmada Kaaraan tagay Wasiirka Amniga Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow,waxaana uu Amar ku siiyay Ciidamada Ammaanka in la soo qabto Askarigii dilay Qofka Shacabka ah caddaaladdana la horkeeno.

Qofka Rayidka ah ee lagu dilay Degmada Kaaraan ayaa la sheegay inuu ahaa Nin Oday ah oo kamid ahaa Dadka sida weyn looga yaqaanno degmadaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.