QM oo eedeyn u jeedisay Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya

Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya in ay lacag badan ka qaataan dhuxusha laga dhoofiyo Gobolka Jubbada Hoose,taasina ay halis ku ku tahay hanaanka Amniga Soomaaliya.

Kooxda dabagalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa Warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada dowladda oo laga rabay in ay ka hortaggaan dhuxushaasi oo ay dhoofiyaan Al-Shabaab Balse taasi badalkeeda in ay ka qaataan lacag.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay  in Ciidamada Kenya ay Jawaankii dhuxul ah ee ka dhoofaya Dekadaha Kismaayo iyo Buurgaabo ee Jubada hoose ay ku leeyihiin $2 Doollar.

Sidoo kale Kooxda ayaa xustay in ka badan $10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah in Al-Shabaab ay ka helaan dhoofinta Dhuxusha  sanadkiiba.

Waxa ay sheegeen in Beesha Caalamka laga doonaayo in ay arintaasi wax ka qabtaan Maadaama Al-Shabaab ay halkaasi ka helaan lacago badan.

Qaramada Midoobey ayaa Shan Sano ka hor  ku dhawaaqday in la mamnuucay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya waxaana joojinteeda loo xil saaray Ciidamada AMISOM oo inta badan jooga koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.