Mareykanka oo sheegtay in uu dilay ku dhawaad 100 dagaallame oo Shabaab ah

Ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, ayaa lagu dilay weerarro isdaba-joog ah oo  todobaadkaan ka dhacay gudaha Soomaaliya sida sheegeen Mas’uuliyiin Mareykan ah.

Samantha Reho oo ah Afhayeen u hadashay Taliska Mareykanka ayaa sheegtay Weerararo dhacay sabtidii iyo Jimicihii lala beegsaday xubno muhiim oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegtay in howlgalladii ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeelaha dhexe Al-Shabaab lagu gaarsiiyay Khasaare ballaaran,islamarkaana la beegsaday goobo ay ku shirsanaayeen.

“Howlgallo dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan ku  dilnay ku dhawaad boqol dagaallame oo Shabaab ka tirsan” ayaa lagu  sheegay war kasoo baxay mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay  sheegtay in howlgal ay ciidankeeda amnigu ay sameeyeen lagu dilay xubno ka tirsan ururka al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiya xero ay al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cabdriaxmaan Yariisow ayaa ayaa sheegay in Weerar qorshaysan oo hay’adaha amniga ay ka fuliyeen Degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada lagu dilay 81, isla markaana lagu burburiyay tiro baabuurta dagaalka iyo waliba hubka culus.

Afhayeenka Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa beeniyay hadalka Wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.