Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Degmooyin ka tirsan gobalka bay.

dagaal

Wararka naga soo gaaraya inta u dhexeeysa Degmooyinka bardaale iyo baydhabo ayaa sheegaya in Dagaal xoogan uu halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kusii jeeday Magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in wadada loo galay islamarkaana uu siodaasi dagaalka ku bilowday.

Dagaalka ayaa waxaa uu socday saacado badan,iyadoona labada dhinac uu khasaaro ka soo gaaray dagaalkaasi,inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dagalkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa idaacadda kulmiye u sheegay in khasaaro uu soo gaaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xiligan go’doomiyay degaano badan oo ku yaalla maamulka Koonfur Galbeed, waxaana taasi ay caqabad ku noqotay dadka Shacabka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.