Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta la kulmi doona Safiiradda Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya

khayre

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta uu Xafiiskiisa ku qaabilo Safiiradda Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya,waxaana uu kala hadli doonaa Ammaanka Dalka iyo sida Shabaab looga saari doono Qeybaha ay ka joogaa Soomaaliya.
Sidoo kale Shirkaan u dhexeeya Safiiradda Wadamada Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu hor-dhac u yahay Shir looga hadlayo Ammaanka Guud ee Dalka Soomaaliya islamarkaana 4 December lagu qaban doono Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Dalka ay ka saari doonto Al-shabaab,waxaana Madaxda Dowladda ay sheegeen in Dagaal ay ku mideysan yihiin Dowladda iyo Shacabkeeda ay qaadi doonaan si Shabaab looga xoreeyo Guud ahaan qeybaha ay ka joogaan Dalka.
Al-shabaab oo Weeraro Qaraxyo ah isla markaana markasta Galaafta Nolosha Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan ka geysta Magaalada Muqdishoo iyo qaar kamida Gobolada Dalka ayaa Maamula Gobolka Jubbada Dhexe iyo Degmooyin kale oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.