Diyaarad dagaal oo duqeysay Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Dhexe

diyarad

Wararka laga helayo Degaanka Basra ee Gobolka Shabellaha Dhexe islamarkaana u dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa sheegaya in Diyaarad dagaal oo laga leeyahay Wadanka Mareykanka ay duqeysay Degaanka Basra oo Shalay ay Dagaal kula Wareegeen Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.
Dadka degaanka ayaa Radio kulmiye u sheegay in Diyaaraddu ay Labo Gantaal ku dhufatay islamarkaana ay beegsatay Saraakiil iyo Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.
Illaa hadda lama Oga Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee soo gaaray Shabaabkii lagu Bartilmaameedsaday Degaanka Basra ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Mareykanka iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka weli kama hadli Duqeynta,iyadoo la sheegay in Saraakiil ka tirsan Shabaab oo Shir ku jira Xilligaas la beegsaday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.