Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Xildhibaanadii sheegay in ay xilka ka qaadeyn Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay in ka badan 50 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug kuwaas oo sheegay in ay xilka ka qaadeyn Madaxweyne Xaaf.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku howlan in la soo afjaro dhibaatada ka taagan Galmudug ayaa xildhibaanadii uu la kulmay ka wareestay xaalada deegaanka iyo go’ aankii ay qaateen 26kii Bishii sagaalaad ee sanadkaan ee ahayd xil ka qaadistii Madaxweyne Xaaf.
Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha u sheegay sababaha ay go’aanka u qaateen waxaana markii dambe la isku raacay in la raadiyo xalka Galmudug.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa xildhibaanada ka dalbaday in qoorta ay dhiibtaan kuna qancaan dadaalada Madaxweynaha wado ee xalka Galmudug waxaana la sheegay in ay ogolaadeyn.
Kulan kale oo si rasmi ah loogu soo afjarayo Xiisada iyo khilaafka Galmudug ayaa lagu balamay waxaana kulankaas Iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya.
Farmaajo ayaa hore ula kulmay dhamaaan Madaxda Galmudug waxayna arimahaan oo dhan muujinayaan sida ay uga go’antahay Madaxweynaha Daganaanshiyaha Soomaaliya gaar ahaan buuqa ka taagan Galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.