Odayaal iyo Waxgarad ku baxay Xiisad ka taagan Caabud-waaq

Odayaal iyo Waxgarad ayaa ku baxay daminta xiisad iyo Abaabul dagaal oo ka socda degmada Caabudwaaq waxaana xiisadaasi daba joogtaa dil, dhaawac iyo Gaadiid la kala dhacay oo ay sameeyeen Maleeshiyo ka soo kala jeeda Caabudwaaq iyo Cadaado.
Xaaji Yuusuf Shire Warsame oo ka mid ah Odayaasha ku baxay Daminta Colaaddaasi ayaa Wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye waxa uu sheegay in uusan diyaar u ahayn dagaal waxa uuna ku baaqay in Colaadda la joojiyo.
Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in wadaan Is xil-qaamid ku saabsan in aysan dhibaatada intaan dhaafin wixii dhacayna laga xaajooda.
Colaadda ka taagan Caabudwaaq iyo Cadaado ayaa sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawac hal qof oo xaalad halis ah ku jira kadib markii Carabka uu banaanka yimid waxaana la afduubtay 5 qof oo labada dhinac ah sidoo kalane 4 gaadiid ah ah.
Ninka dhaawaca ah ayaa la sheegay in dhinaca Wijiga rasaas badan looga furay uu soo gaaray bur bur badan Carabkiina uu Banaanka u soo baxay Dalka wax looga qaban waayay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.