Ciidamo la dhigay Wadada Isku Xirta Afgooye iyo Wala-weyn oo dhibaato ka taagneyd

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ee degmada Wala-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa faah faahin ka bixiyay dhibaato maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd Wala-weyn ilaa Afgooye.
Taliyaha ayaaa sheegay in wadada ay Fariisin ka sameestayn Koox maleeshiyo ah dadka Shacabka ee BL-ka ku laysa wadada waxaana Saddaxdii Maalin ee la soo dhaafay lagu dilay ugu yaraan 9 qof Shacab iyo Ciidan isugu jira.
Taliyaha ayaa sheegay in wadada la dhigay Ciidan ka kooban Milatari iyo Ciidanka Gaarka ah ee Danab si loo ilaaliyo Shacabka oo dhibaato badan ku qaba wadadaaasi.
Ragii burcada ahaa ayaa la sheegay in ay baacsadeyn Ciidanka amaanka balse la waayay oo ka carareyn deegaanka waxaana ay Ciidanka isku fidiyeen Wadada isku xirta Afgooye iyo Wala-weyn oo markii hore halis ugu jirtay in marinkeeda la joojiyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.