Gen. Caanood “Dagaalamayaal Shabaab ah ayaa ku dilnay deegaanka Basra”

Ammaan duulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Gen. C/llaahi Cali Caanood oo ku sugan deegaanka Basra ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in Howlgal ay sameeyeen ay ku dileyn dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab kuwa kalane ay ku dhaawacayn.

Taliye Caanood ayaa SONNA u sheegay in ay Ciidamada Dowladda ay toogasho ku dilayn ugu yaraan 3 ka mid ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab 4 kalane ay dhaawacayn kadib isku dhacyo ku dhaxmaray duleedka deegaanka.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee gobalka Shabeelaha dhaxe ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay waxayna Al-Shabaab kala wareegayn deegaano badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.