Madaxweynaha Galmudug oo Dalbaday in lala Heshiisiiyo Ahlusunna

xafsade

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug oo ka mid ahaa Madaxweyneyaashii Maamul Gobolleedyada ee Maanta Kulanka la yeeshay Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa Qudbad uu jeediyay waxaa uu ku dalbaday in lala Heshiisiiyo Maamulka Ahlusunna oo ka soo horjeeda Maamulka Galmudug Khilaafna uu u dhexeeyo.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Xildhibaanada Aqalka Sare uu ka Codsanayo in ay la heshiisiiyaan Ahlusunna Waljamaaca oo ka soo horjeeda Maadaama ay yihiin Sanatarada Soomaaliya,kuwii Matalayay Gobollada Dalka Soomaaliya.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka galmudug iyo ilaa iyo hada waxaa khilaaf xoogan ka dhexeeyaa maamulka galmudug oo ka taliyo qeybo ka mida mudug iyo galgaduud.

iyo maamulka Ahlusunna oo iyagu maamulaan qeyb kamida gobolka galgaduud ayna haystaan caasimada gobolka oo magaalo madax u ah maamulka galmudug sida dastuurka galmudug ku qoran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.