Madaxweynaha Hirshabelle oo Kulan Laqaatay Xildhibaanada Hirshabelle Ku Matala Dowladda Dhexe + SAWIRO

Madaxweynaha Hirsahebelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle.

Madaxweynaha iyo Xildhibaanada ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo Howlaha horyaala Hirshabelle iyo Sida lagama maarmaanka ay u tahay in la iska kaashado horumarinta dowlad Goboleedkani curdunka ah.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladda Siyaasadda dalka, Wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Hirshabelle, ka shaqeynta Amniga Dalka gaar ahaan deegaanada Hirshabelle, iyo in Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabelle in ay u midoobaan horumarinta iyo dhisida dowlad goboleedka si dhawna ay ula shaqeeyaan maamulkani.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay mudada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, shirarkii uu kaga soo qeyb galay Magaalada Kismaayo, kan hadda ka socda Magaalada Muqdisho, iyo safaro uu ku soo kala bixiyay Deegaanada Hirshabelle, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaannada in doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan ay qaataan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee ka socda Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.