Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Doorashadda Somaliland

Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyadda ee ku shirsanaa Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashadda ka socota degaanada maamulka Somaliland.

Dowladda waxa ay sheegtay in ay soo dhaweynayso Ololaha doorashadda Somaliland.

Waxa ay sheegtay dowladda in ay soo dhaweynayso doorashadda oo ah Mid muhiim ah,islamarkaana ay ku baaqayaan in la ilaaliyo Ammaanka.

“Waxaan bogaadinaynaa doorashadda maamulka Somaliland, taasi oo si wanaagsan u socota, waxaana rajeynaynaa in ay si nabadgalyo ah ay kusoo dhamaato” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Dhexe iyo maamulada.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay ka hadasho Ololaha doorashadda Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.