allaha unaxariistee Abwaan Khaliif Faarax Xayir oo ku geeriyooday dalka Sweden

tacsi

Ilaahay ha unaxariistee waxaa magaalada Gothenburg ee caasimada labaade dalka Sweden ku geeriyooday abwaan Khaliif Faarax Xayir oo kamid ahaa dhalinyarada hal-abuurka ah ee Soomaaliyeed kuwooda loogu jecelyahay.

Abwaan Khaliif Faarax Xayir oo 30 jir ahaa oo maalintii talaada ahayd taariikhduna ku beegnayd 01November 2017 tii Alle utimid ayaa ku caanbaxay suugaan wadani iyo ah oo ka turjuntay waayahay iyo waaqiciga dalka iyo dadka Soomaaliyeedi ku suganyihiin.

Waxaase lagu xasuusan doonaa silsilad maanseedadii uu ka qayb qaatay guud ahaan gaara ahaana maansadii Ina Macalin  Ciise ee caanka baxday.

Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu unaxariisto Abwaan Khaliif Faarax Xayir samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii iyo qaraabadiisii uu ka baxay iyo bahda hal abuurka oo uu ahaa mid ka dhex muuqda.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.