Madaxweyne Gaas oo la kulmay Xildhibaanada Labada Gole ee laga soo doortay Puntland

Cabdi Wali Maxamed Cali “Gaas” Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho ah kula yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Labada Gole kuwaas oo laga soo doortay deegaanada Puntland waxa uuna kulanka ka dhacay M/Muqdisho gaar ahaan hotel royal palece

Gaas ayaa Xildhibaanada Puntland laga soo doortay ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya kala hadlag Xaaladda Dalka iyo Xiisadda u dhaxeysa Madaxda qaranka iyo kuwa Maamul Gobaleedyada waxa uuna kulanka ahaa wadatashi iyo kalq xog qaadasho Labada dhinac ah.

Dhinacyadii kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in ay ka wada hadleyn Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan deegaanada puntland kulankoodana ahaa kala war qaadasho Xaaladda Guud.

wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu soo hadlay Arimaha Dekedda Boosaaso oo muran ka dhax abuurtay Siyaasiinta iyo Ganacsatada Puntland waxana la sheegay in Gaas ay Xildhibaanada ku dhaliilayn wareejinta dekedda iyo sida uu ugu fal celiyay Cabashada Ganacsatada deegaanka.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay Muqdisho ku yeeshaan waxa uuna ku soo beegmay iyadoo ay xiisado ka jiraan Deegaanada Puntland xiisadaas oo ka dhalatay Arimaha Dekedda Boosaaso oo lagu wareejiyay Shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.