Madaxweynaha Puntland oo Si Kumeel Gaar Ah Degmada Bursaalax Ugu Magacaabay Guddoomiye Iyo Guddoomiye Ku-xigeen(Akhriso)

gaas

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha  Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay si kumeel gaar ah Xeer Madaxwayne Lr. 130 October 27 – 2017 Guddoomiye iyo Gudoomiye ku xigeenka degmada Bursaalax.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo Waaya Aragnimadooda shaqo.

Wuxuu Xeeriyay:

1.Waxaa Maxamed Sulaymaan Diiriye si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay
Guddoomiyaha Degmada Bursaalax.

2.Waxaa Bashiir Maxamed Guuleed si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay
Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Bursaalax.

3.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo, wuuna
Saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.