Diyaarad laga leeyahay Imaaradka Carabta oo Dhaawacyo ka Qaatay Muqdisho,geynaysana Dalka Kenya.

Waxaa maanta Magaalada muqdisho soo gaartay Diyaarad laga leeyahay Wadanka Imaaraadka Carabta,Taasi oo garoonka ka qaaday Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii ka dhacay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Dadka Maanta la qaaday ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay inay gaarayeen ku dhawaad 9 qof,kuwaasi oo loo qaaday Dalka Kenya,iyadoona Halkaasi lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad.

Wasiirka Warfaafinta dowlada soomaaliya Eng.Cabdi raxmaan Yariisow iyo Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta ku sugnaa garoonka Aadan Cabdule Cusmaan Aadan ee Muqdisho Xiliga la qaadayay Dadka Dhaawacyada ah.

Wasiir yariisow oo la hadlay Saxaafada ayaa Dowlada Imaaraadka carbta ugu mahadceliyay sida wanaagsan ay u garab taagan Tahay Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uuna Tilmaaamay in Dhaawacyo gaaraya 9 qof maanta laga qaadayo garoonka aadan Cadde ee Muqdisho,iyagoona la geyn doono Wadanka Kenya,halkaasi oo lagu baxnaaninayo Xaaladooda Caafimaad.

14 Bishii hore ayay aheyd markii Qarax dad badan lagu xasuuqay uu ka dhacay Isgooska Soobe ee Magaalada Muqdisho,kaasi oo sabab u noqday in Dal badan iyagu ay Door wanaagsan ka ciyaareen Sidii loogu gurman lahaa dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.