Ciidamada koonfur Galbeed aya Hiigan la galiyey si ay ula dagaalamaan Al-shabaab”Sawiro”

Wasaarada Amniga Koonfur Galbeed ayaa Daqiiqado ka Hor Waxaa ay sheegtay In Ciidamadeeda ku sugan Degmooyinka Gobolada bay bokool iyo shabelaha Hoose La Galiyay Heeganki ugu dambeeyey.
Ciidamadan ayaa saaka la arkayay ayagoo sameynaya diyaar garow weyn kaasi oo ku wajahan Deeganada Shabaab Ka joogaan Koonfur galbeed.

Wasiirka Wasaarada Amniga Koonfur galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelay)ayaa sheegay in dhamaan degmooyinka Koonfir galbeed Ciidamada ku sugan ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay Lana Doonayo in ciidanka ay bilaaban Dagaal ka Dhan ah Dagaalamiyaasha Shabaab.

Ciidankeena maanta laga bilaabo waxey Sameeyn doonaan howlgal lagu sifaynayo Shabaab wasiir xildhibaan iyo agaasime intaba Waan ka midaysan. Nahay dagaalka Al-shabaab Manta ayaana ugu dambeysa in degmo ama Tuulo ka tirsan Koonfur Galbeed ay Maamulaan al-Shabaab Sidaasi Waxaa Yiri Wasiirka Wasaarada Amniga KGS.
bay

bay

bay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.