Xukun lagu riday rag Weeraray Muwaadin Soomaaliyeed

Saddex nin oo lagu helay dambi nacayb ah oo ka dhan ah nin Soomaali ah ayaa lagu xukumay Maxkamad ku taalla Magaalada San Diego ee dalka Mareykanka.

Raggaan ayaa lagu eedeeyay in ay Weerareen nin Soomaaliyeed, xilli uu ku sugnaa Maqaayad ku taalla San Diego, islamarkaana ay gaarsiiyeen waxyeelo.

Weerarku wuxuu dhacay sannadkii hore 30-kii bishii oktoobar ee sannadkii 2016.

Qaadiga Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in Saddexda nin lagu helay dambiga ah in ay Weerareen Muwaadinka Soomaaliyeed, islamarkaana raggaasi lagu xukumay Xabsi sano ah.

Dalka Mareykanka ayaa inta badan lagu dhibaateeya dadka Muslimiinta ah, waxaana Maxkamaddaha dalkaasi ay tilaabo ka qaadaan cidii falkaasi geysata

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.