Wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiye Jawaari oo ka Ambabaxay Muqdisho

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow ka duulay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay kusii jeeddaan dalka Suudaan.

Waxaa uu casuumad ka helay dhigiisa dalka Suudaan sida ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxaa ku wehlinaya safarkiisa guddoomiye Jawaari xildhibaano ka tirsan Golaha SHacabka,iyadoo ay halkaasi ku sii sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Gudoomiye Jawaari ayaa lagu waddaa in uu la kulmo dhigiisa dalka Suudaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.