Weerar lagu qaaday Guriga Cabdiraxmaan Ciro

Kooxo hubeysan oo dhalinyaro ah ayaa weeraray hoyga uu magaalada Hargeysa ka deganyahay murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Ciro .

Sida ay sheegayaan Mas’uuliyiinta Somaliland Weerarkaasi ayaa waxaa ka dhashay Khasaare dhaawac ah.

Taliyaha guud ee ciidammada boliiska ee Somaliland Jeneral Cabdillahi Fadal iimaan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in falkaasi loo soo qabtay afar dhallinyaro ah iyo baabuur, haatan na ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay xisbiyada inay xakameeyaan taageerayaashooda gaar ahaan dhallinyarada, isagoona intaa raaciyay in booliska ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo ku kacda fal noocaasi oo kale ah.

Gudoomiyaha kumeel-gaarka ee xisbiga waddani Cabdilqaadir Ismaaciil jirde ayaa BBC-da u sheegay in koox dhallinyaro ah ay soo weerareen guriga Cabdiraxman Ciro.

Cabdilqaadir ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dhallinyaradaasi ay ku tuhmayaan inay soo abaabuleen cidda tartanka doorashada uu kala dhexeeyo, wuxuuna intaa ku daray in dhalinyaradaasi ay dhagax ku dhaawaceen askari ka mid ah ilaalada guriga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.