DEG DEG: Shirkii dowladda dhexe iyo dowlad goboledyada oo baaqday

deg
Shirkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay inuu qabsoomayo 28-ka October oo maanta ku beegan ayaa baaqday sida uu sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya Cabdi Siciid Faarax (Juxaa)

Wasiir Juxaa oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa sheegay in shirka uu baaqday, maalinta berri ahna uu qabsoomayo.

Sababta baaqashada Shirkan ayaa wuxuu ku sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya in maanta ay imaanayaan madaxda dowlad Goboledyada kuwa dhiman, maadaama weli aysan Muqdisho soo wada gaarin.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu berri qabsoomo, waxaana diirada lagu saarayaa arrimaha la xiriira khilaafka ka dhex taagan Dowladda dhexe iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Waxaan wali imaan Madaxda Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.