Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhigiisa Uganda kala Hadlay Sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Uganda, ayaa la kulmay madaxweynaha wadanka Uganda Yoweri Museveni.
Madaxweynayaasha ayaa  waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.
Madaxweynaha soomaaliya  Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
Dhanka kale Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.
Labada madaxweyne ayaa waxaa  ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha  Alshabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka,sida ay hadalka u dhigeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.