M/weyne ku xigeenka Galmudug oo eedeeyay Puntland iyo Jubbaland

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu eedeeyay Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Maxamed Xaashi (Carabey) ayaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay in labadan maamul ay ka shaqeynayaan sidii khilaafka ka dhextaagan Madaxda Galmudug dusha uga saari lahaayeen Dowladda Federaalka.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay muhiim in ay tahay khilaafka Galmudug ka dhexjira in loo madax banaaneeyo shacabkeeda iyo Madaxdeeda, si aayahooda ay uga tashadaan, balse ay faragelin ku hayaan Puntland iyo Jubbaland.
“Waxaa maalmahan jiray warar soo baxayay oo uu ka hadlayo Madaxweynaha Puntland kaasi oo ah in Dowladda Federaalka ay fara gelin ku heyso Galmudug, arrintaasi waa mid xaqiiqada ka fog, Jubbaland dhankeeda arrintan faraha ayay la soo gashay, balse waxaan cadeynayaa arrinta Galmudug ka jirta in aysan cidna waxba ka quseyn.” Ayuu yiri Carabey.

Madaxda maamulka Galmudug ayaa xilligan waxaa ka dhextaagan khilaaf, ilaa hadda aanan la xalin, waxaana khilaafkan uu saameyn ku yeeshay hormarka iyo xaaladaha kale ee jira degaanada Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.