Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliland oo ku Geeriyooday dalka jabuuti.

Alle ha u naxariistee Waxaa xalay Dalka Jabuuti ku geeriyooday Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka Tirsan Baarlamaanka Soomaali-land oo mudooyinkii danbe ku xanuunsanaa Dalkaasi Jabuuti.
Marxuumka ayaa ka tirsanaa Xisbiga Muxaafadka ee Kulmiye waxa uuna ka soo galay deegaanka Gibiley ee Soomaaliland waxaana uu muddo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliland.
Qaar ka mid ah Ehelada Marxuumka ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in Xildhibaanka maalmihii la soo dhaafay uu xaalad Caafimaad u joogay magaalada Djabuuti ee Xarunta Dalka jabuuti balse xalay u geeriyooday Xanuunkaasi.
Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliland ayaa sidoo kale ahaa Guddoomiyihii Gudiga Arimaha Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliland.
Marxuumka ayaa aad looga yaqiinay Guud ahaan deegaanada Soomaaliland, gaar ahaan Hargeysa Gibiley iyo meelo kale waxaana uuna sidoo kale ahaa Bare caan ka ah Soomaaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.