Boqorka Sacuudiga ayaa Dhambaal Hambalyo ah usoo diray Madaxwaynaha iyo Shacabka Soomaliyeed Maalinta 21 Oktoobar

farm

Booqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis Alsacuud ayaa waxa uu madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo u soo diray dhambaal uu ugu hambalyeynayo munaasabadda Maalinta 21 Oktoobar oo kubeegan maanta.

Sidoo kale dhaxal-sugaha Boqortooyada ahna Ra’isul-wasaare-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis alsacuud ayaa iyagana Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyey 21-ka October.

Boqor Salmaan Iyo Wiilkiisa Maxamed waxay u rajeeyeen Madaxweynaha Dowlada Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo shacabka Soomaliyeed inay ku waaraan horumar iyo Barwaaqo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.